adigaa ah dookhayga
kudooni jiray maanku
adigaa ii ah daacad
qalbigayga ruux deeqay

in daruuri iihoortay
dusha layga garan muuqa
jawigani kaduwan maanta
kii doraad lasoo dhaafay

kudadaal jaclkeena
ka difaac xumaan oodhan
adigopo idacal jooga
dareen igula sheekayso

adigaa ah darajeeya
adigaa ah daaweeye
adigaa xumaha dayra
adaa noloha iidaara

waxaad tahay midkaan doortay
dugsi weeye ruuxaadu
waa dareen galgacalkaagu
dantu waa isfahankeena

kudadaal jaclkeena
kadifaac xumaan oo dhan
adigoo idacal jooga
dareen igula sheekayso

Exit mobile version