quruxda qaabkiyo hubqaadkaa
qaayaha nuurjiyo iftiinka
qosolka joogiyo hanaanka

rabigu qotonkuu kusiiyay
nataasha loo qusuhuucyoo
qarnigan adiga u hormuuda

dumarka qaryadoodii baatahoo
intaan qayrkaa arkaayay
adaa ah qureeshe dhamaysan

qarkaa way kugu daydaane
sidii qamar noo iftiin bal
wixii nacab ahi ha quustee
nataasha qosol kun jeer bal
u soco sidii qalan jadii ba

talaabo kolkii aad qaado
iftiin baad qeybisaaye
kolkaan qiimayn sameey

quruxda ruux kuu dhigmoo
nataasha qiimo badaneey
qadarin kugu gaadha waayay

qofnimo rabi kuu hibeeyoo
dulqaad baa lagugu qaydee
nolosha kalgacal ku qaado
qorshah nolosheed astaysay
qaadirku hakuu hagaajo

Exit mobile version