Muunadii hablaha ugu muuqsaneyd
Ugu muuqsaneyd qurux ugu badneyd
Ugu midab wacneyd laalaaa
2x

Xishood miidhanaa dhaqan miiganaa
Cod macaan lahaa muxibaysanaa
Xishood miidhanaa dhaqan miiganaa
Cod macaan lahaa muxibaysanaa
2x

Waa waxaan mar qudha loo quudhin muran
Maca beenta haa maya cidi ku odhan
Waa waxaan mar qudha loo quudhin muran
Maca beenta haa maya cidi ku odhan
Wey mutaysatee maqla uun iyada
Wey mutaysatee maqla uun iyada
2x

Marwadii gabdhaha ugu miiganeyd
Ugu miiganayd musaalkood ahayd
Ugu milgobadneyd laalaaa
2x

Alaylahee maseer taanan mudan hinaas
Ku mashquuliyada markastaba la joog
Alaylahee maseer taanan mudan hinaas
Ku mashquuliyada markastaba la joog
2x

Waa waxaan mar qudha loo quudhin muran
Maca beenta haa maya cidi ku odhan
Waa waxaan mar qudha loo quudhin muran
Maca beenta haa maya cidi ku odhan
Wey mutaysatee maqla uun iyada
Wey mutaysatee maqla uun iyada
2x

Exit mobile version