Heesta Xigaal - Lyrics
markaan ku xushuu nasiib ku xariir igu sooray dookhu x2
markaan kugu xiray kashayda
xigaal baan helay idhoorta x2
xaq dhoorka aduunka yaala aduu rabi kuu xanbaarshay x2
haduu jiro ruux xurmeen leh adaa xaq uhelay wanaaga x2
adaan kugu qoray xiskayga ku dhaartoo kugu xariiqay x2
adaan kaa xushay haweenka xaqiiq kugu doorsan maayo x2
kun jeer ku xamdiyay ilaah xukumay inaan nolol wadagno x2
intaad xayi tahay aduunka xag kale kaa aadi maayo x2