dhigii uu ugu sitaa
dhaayuhu wey eegayaan
dheygaga aragiisa wacan
intaa wey dhowrayaan
aniga uu iidhigmaa
dhankiisaa lay hayaa
dunida maan dhaafsadeen
dhexdeeda wixii kujira
siduu iigu dhababan yahay
hadey ila dhaadayaan
dhalintu ima quudhsateen
danteydan ma faaqideen
sidii ubad iyo dhalaan
intaa uu ila dheelayaa
dhabtiisuu igu hayaa
dhibtuu ila qaybsadaa
jaceyl buu igu dhidbaa
cishquu igu dhereriyaa
dhugoo maalin iyo habeen
xusuusuu iidhigaaa
siduu igu dhababan yahay
hadey ila dhaadayaan
dhalintu ima quudhsateen
dhibteyda ma faaqideen

Exit mobile version