Heesta Geeraar - Lyrics
Geeraarka maansada
Guurowgan halistaa
Gun caashaqu wado
Gantaalaha jacaylka
Goohaan dhammaaniyo
Galayuuskaan igu riday
Gooraysa eegmana
Giddi maalin iyo layl
Adaan ku gaddaan ahay
Sida ayro geeloo
Gurbadkoodii maqanyahay
Guclo orad maddaayee
Nafta kugu go'doonsani
Gayaankale mawaayinee
Garaadow waxkaradkaa
Gooraysa eegmana
Giddi maalin iyo layl
Adaan ku gaddaan ahay