Dadka laba is qarin karin
Arin wada qorshayn karin
QAADIR isuma geeye

Ha?uu midi qalooc yahay
Kan kalaa dhibtuu qabo
Qarsadoo dul qaatee
Qiimaha kalgacalkiyo
Qoyska jira ilaashee

Qof qof sidi ma anigaa
Qof la sido ma adigaa
Ka qaldani ma anigaa
Ka qoomani se ma adaa

Laba qurux ka wada siman
Maskax qaayo wayniyo
Quwadana isaga mida

Qalbi meel ku wada yaal
La isma qaabilsiiyee
Haduu midi wax qaban karin
Kan kalaa u qabaano
Qoyskan jira ilaashee

Qof qof sidi ma anigaa
Qof la sido ma adigaa
Ka qaldani ma anigaa
Ka qoomani se ma adaa

Exit mobile version