Sabanadana ragaa
Kacay saamigaa
Adigaa u sitoo
Sinta laguma qaban
Mid aan kula simoo
Ka sareeya ee

Waxa tahay siroo
Samadiyo dhulkaba
Wada siraadiyoo
Quruxda sankiyo
Fara sayn lahoo
Sarar daaqayee

Ubaxaan sidaa
Surinkaad martaba
Ku dul seydiyoo
Sidaa tahay amiir
Boqor iyo suldaan
Ku salaamayee

Sanku neefla iyo
Soomaalibaan
Kaa sahansadoo
Saatirbaan ducada
Sacabada u dhigtoo
Salaadii baryee

Wadnaha silis
Silis iyo qardhaas
Cabdow sudhantahoo
Saableyda iyo
Seedaha jidhkaad
Ku samaysan tahee

Ubaxaan sidaa
Surinkaad martaba
Ku dul seydiyoo
Sidaa tahay amiir
Boqor iyo suldaan
Ku salaamayee

Exit mobile version