VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maantaan dhalanay - Lyrics

Gulee waataan lahaa Dha, looxa lagu dhigaa Dhaayaa wax lagu arkaa Dhaasiin waa la akhriyaa Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Caalamku uu inoo ifoo Dhiirida aan u hadalnoo Dhawaqa dheeraysanoo Dhagbay meel dheer dhacdoo Lafaha dhuuxada oo Ragii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dhiciskii naga baxoo Dhameyska aan noqonayoo Xaqeena aan dhuugsanoo Dhaxalkeena inaan helnoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Wixii ina dhuuqayiyo Gafanahii soo dhacoo Dhirifkii naga ba,oo Dhoolaha aan muujinoo Dhab dhab aan u qosolnoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dhidigood iyo dhalaan Dhamaan dheel loo baxoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dhaankii aan diidnayoo Dhoomihii aan xoornayoo Aan wada dhaantaynayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Xilkii uu naga dhacoo Dhogortu ina martoo Baliiglay dhaadatoo Hawada ay dheeshayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dhagartii naga hadhoo Afaydii aan dhignoo Madaxa aan dhaashanoo Dharkeena aan dhaqanayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dheeligii uu naga ba,oo Dhulkana dheeftuu lahaa Inaga noo soo dhacdoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dho guya oo noo da,oo Xareed laga dhaansadoo Dhirtuna doog dhoogmayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Midkeenii dhoof jiriyo Xoolaha kii dhaqanhayiyo Dhamaan soomaali weyn Dhawaaq la isugu dhuftoo Dhiiladu ay wada dhashoo Dhagta ay wada qaadayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo Dha,dii kale waxaan lahaa Dharaaraha kuma jirtoo Waa maantaan dhalanayoo Dhiblo iyo dhuudi iyo Wixii ina dhuuqayiyo Dhurwaagii erinayoo Lafaha dhuuxooda iyo Dhiigii noo nabad galoo RUNTAA
Queue is empty
-- / --