Waa maanta
waa maanta
Markii aad eedday
Abaalka markaad xabaashay
Markaad isa sii afuuftay
Samaanta markaad ilduuftay
Wanaagga markaad illoowday

Intaad onkod roobka ooyday
Abaarta markaad u guurtay
Anoo alif kuu bilaabay
Markaad ya’ usii abraartay

Soowtii caashaqa aan aasay
Soowtaan iilkiisa leexshay
Soowtaan ah maya ileedahee
Shalaan ku aroosi lahaayee
Maxaa anbas u keenay
Shalaan ku aroosi lahaayeeee
Weey Maxaa anbas u keenay

Anoo anoo islahaa ilaasho
Markaad isasii irdhaysay
Intuu qofku uursamaado
Markaad kolba sii ilaaqday
Markaad markaad alla mooyiciiyoo

Exit mobile version