masuulnimo waa culays
maarayn dhabay rabtaa
taariikhduna waa mug wayn
xuskeedu ma dhaafto yahay
maalmuhu waa kayd cabira
wixii madax loo gashado
ma guuraan waa gayiga
mudoba awr baa hayina
waxaad uga mahadisaa
markaadd jiilaal taqaan
aqoontuna waa muduci
miisaanka cadaaladiyo
maqluhu waa xaqsor

siyaasadu waa masalo
garaad maalaa furfura
muraayaduna waa shacbiga
madhaafaana waa sharciga
ma maydhma mana waa wadani
mucaaridnimaa banaan
muxaafidnimaa adkaa
muwaadanimaa ka wayn
waxaad uga mahadisaa
markaad jiilaal taqaan
aqoontuna waa muduci
miisaanka cadaalada iyo
mawluhu waa xaqsoor

Exit mobile version