Caydaruus:
Jedaalada gal gacalka leh
Sida qaalin joogii kuruskii cirkaa jiro

Intuu jabiyeye doogtii qaalmo luqunti baaroo
jin bacuur jin bacuur jin bacuur la jeebtay

Naftaan kuu jirabanee hooy hooy ee u jeelan oowgaa
Adaa jiitay maankee u soo jixin jixoo ma u jiir naxeeysaa.

FISKA:
Halyeeyoow jacaylkani
Waa horoo i jiitoo adna waad u jeedaa

Wididada jirkeygiyo dhuuxu ku jaran yahoo
wadnahuu wadnahuu wadnahuu dhex jiifaa

Naftu weey ku jarisoo huunoow jeel horeey ku jamatee
ku jikaari maa yee waa sidaad u jeedee aanan noqono jeex qura.

CAYDARUUS:
Habka caashaq leeyahay
Dhebad waxaa u seexdiyo waxaan guur la jabaqsaday
Jilbis iyo waxaan goor jaanta kula istaagaba
Soow jacay soow jacayl soow jacaylku ima wadin

Naftaan kuu jirabanee hooy hooy ee u jeelan oowgaa
adaa jiitay maankee u soo jixin jixoo ma u jiir naxeeysaa.

FISKA:
Ruuxuu cishqi ka jeebay
jirib iyo dhibaatiyo jilic sani ma waayee
waxeey jaar wadaagaan jiradiyo xanuunkee
joogi waa jiifi waa joogi waa yey aniguye

Macaanoow naftu weey ku jarisoo huunoow jeel horeey
ku jamatee ku jikaari maaye waa sidaad u jeedee aanu noqono jeex qura.

Saxitaankii: IKRAAN

Exit mobile version