Naftaan kugu xiray
Markaan ku xushoo
Kolkaan ku xasuusta
Waan ku xusaa!

Adaa ku xudumay
Qalbiga xiisaha
Laabtana ku xukumay
Xurmeen joogta ah

Adaa iga xiga
Intii ixigtoo
Xiskii iyo adigaa
Xureestay kashkeexy

Xaqaaga gutoo
Xilkaada gartee
Jacayl xalkiis
Xaqdhowrka ka yeel

Xumaanba dartee
Xubiga ka jiroo
Sidaan kugu xiiso
Igu xernaaw

Adigaa igu xiray
Dareen ixulay
Sidaan kugu xiisay
Igu xernaaw

Exit mobile version