Miday naftu dooratee
Waxaan kuu daynayaa
Jacayl qalbigayga dagay
Dookhbaa igu kaa daroo
Dadkaad iga wada xigtaa
Dadkaad iga wada xigtaa
Dadkaad iga wada xigtaa
Dadkaad iga wada xigtaa
2×
Wadnahan kugu daabacoo
Adaan daacad kuu jecelahay
Aduunkiyo dahabka yaal
Miyaan kugu doorsan kari
Dawada noloshaa tahee
Dawada noloshaa tahee
2×
Agtaaduna waa dugsoon
Jawi deganoo qurxoon
Farxadbaan dareemayaa
Anoo ubax duuga sido
Kolkay Daymada indhuhu
Kalgacal kugu daawadaan
Ku daawadaan Kalgacal kugu daawadaan
2×
Markuu daruuraha sariyo
Daruuraha jacaylkeenu tagay
Dadbaa ina mucaaradoo
Dartaa Cadaw igu noqdee
Dagaal iyo weedho Culus
Xumaan ila daba socdee
Dadbaa ina mucaaradoo
Dartaa Cadaw igu noqdee
Dagaal iyo weedho Culus
Xumaan ila daba socdee
2×
Wixii dakhar igu dhiciyi
Dartaa Dhib kastoon u maro
Dulqaad ku dhaafayaa
Duruuftuna wey dhamaan
Niyada adna hay Iska dilin
Hay Iska dilin
Ducadiyo samirka badi
3×
