VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Balanbaalis - Lyrics

Sida meel batwaaqo ah Oo buuro dhaadheer Wabi baal maraayoo Barbarkana daruuruhu Kaga beeganyihiinoo Waaguna baryaayoo Bardihii magooliyo Ubixii ka baal baxay Balanbaalis qalimale Hadba laan ka boodaa Adna ii bildhaantaa Biligdaadu waa taa Kalgacaylka beertiyo Bilicdaad wax dheertahay Meel baad ku hooroo Maaqii gal dhigiyo Maadiyo baduuluhu Barka isku sooleen Amba aan ugaariyo Barya haada soo marin Oon wali barigu gu'in Biyuhuna qulqulayaan Sida loogu oon baxo Yaan kugu badhaadhaa Adna ii bildhaantaa
Queue is empty
-- / --