Sida nirigta hawdiyo
Neecawda uduga leh
Ayaan kuugu naaxaa
Naruuradii kalgacalkaay/
Faa'isadii naftaydaay

Dumar kaa naqaystee
Waan kugu nasteexee
Quruxdii naftaydaay
Niyada ku raacdee

Nidar waxaan ku marayaa
Noloshayda oo idil
Inaad igu nagaatee
Naxdin kaa ilaashee
/Faa'isadii naftaydaay

Exit mobile version