Heesta Haatuf - Lyrics
Sow arooryadii hore
Intaan adinka loo kicin
Anoo jiifka wali bogan
Haatuf iima iman
Inantaan jeclaadee
Uurkaygu tabanayee
Aduunyada ka doortiyo
Khayr sow imuu odhan
Sow aloosankeenii
Inagoo aroosoo
Aqal daahyo waynliyo
Nolol aayatiin wacan
ILAAHAY na siiyaa
Indhahaygii kala furay
Afka maan u diidaa
Uurka maan adkeeyaa
Mise arinkan igu shidan
Umaduba ha maqashee
Abwaanadaan u sheegtaa
Sow jacaylkii orodkii
Aar gaajo qaba oo
Meel cidlo ah ku nool kali
Afka igama uu galin
Anoon aarsan karinoo
Itaaliyo laxaadkay
Adimada ku socon karin
ALLE bariga maan badin
Sow abaabulkaygii
Aqalkoo cidla ahoo
Ugbaad ay ka maqantay
Ana aan ildaranahay
Jacaylkuna i daashaday
Uma yeedhin gacaladay