Heesta Xaliimo - Lyrics
Xaragadiyo quruxdiyo
Xishoodkiyo asluubtaba
Xuural cayn lamoodyay
Xanaanaynta ubadkiyo
Xaqdhowrka waalidkaagiyo
Xurmaynta diintiyo
Xogogaalka deriskaba
Xaliimoy adaa le
Xaawalayda dumarkana
xushmadiyo dareenkaba
Xaqiiqdii adaa uwacan
Xabiibidaydaa tahee
Xabiibti adaa uwacan
Xidigtii haweenkaay
Xafiday naftaydee
Xiskaa kugu nagaade
Xubnahaaga kala dhilan
Xaadaada yaabka le
Xusuustii jacaylkiyo
Xiise aan dhamaanayn
Xaadsanay adaa le