qalbigayga dagtoo
nafta waad qaadatee
khadra qaaliyeey
alloow laykaa qoraa

yarkii aan qarnigan
qayrkii kala baxoow
qaban waayoo hurdada
waxbaan kula qabaa

qoortan dhabig iyo
dhexdan labada qaar
qunar socodkaaga iyo
qotonkaagan ka helay

halkaa qaaligaa ah
qiimo badan doraad
isku dhololnay baa
qoobyar tumanayaa

quruxdii gabdhaha
qaridahar jana iyo
qurayshtiyo dhashii
qoraxay baa tahaye
qalanjoy xageey
kugu qarin jireen

qarka shaygoosh ku yaal
qawyihii dhooba wayn
qarka shilaabo iyo
marsin ciid qurxoon
qabridahar jani iyo
qoraxay baan dagnaa

qorax soo baxdiyo
dayax qamar la mood
qoor masleey allow
qoys wada dhignaa

geesigii qaarada iyo
qoraxay u dhashee
yarkan qoodha badan
allow hayga qarin

af qadlleeyeey
qalbigu armuu iga qarxaa
qoon lgaa shidiyo
quh bax kugu noqdaa

qoomkuu laayayay
sidii layla iyo qays
qabri iyo xabaal
armaa lay qodaa

quruxdii gabdhaha
qaridahar jana iyo
qurayshtiyo dhashii
qoraxay baa tahaye
qalanjoy xageey
kugu qarin jireen

qarka shaygoosh ku yaal
qawyihii dhooba wayn
qarka shilaabo iyo
marsin ciid qurxoon
qabridahar jani iyo
qoraxay baan dagnaa

Exit mobile version