yartan jaaha qurxoon
waan u jeelanahoo
sida jawharadiibay
nafta soo jiidataa
dhexda jalaqsaniyo
jaantuskeeda markaan
aan jaleecoo qalbigu
i jiroonahayaa
timo jooga sintiyo
qoorta jiidanee dheer
qosolkay ka jac siisay
jamad layga raac

jeexa wayn ee shaxdiyo
janadii iyo marqaan
jarati iyo afdheer
jarkaan kaa raadiyaa
jahwareeray dartaaye
jabayoo ku jantayee
ii jawaab mar qudho
jihaday ka dayaac
kaama joogi karayee
jidhkaa kuu oomanee
jeexaygiyeey xagee
kugu joojinayeen

Exit mobile version