VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sabax - Lyrics

Dhibkaan xalkayga raadshaa Rajadaan u dhidbaayay guusha Iyadu dhinaceeda kaabaa Sabaax dhinaceeda kaaba Dhigayga si aan u dhaafo Halyaynimadayda dhaawaca Maxay ugu dhabar adaygtay Sabaax ugu dhabar adaygtay Ma dhaho aniguna dhankayga Dhawaaqiyo hadal dhibaaya Dharaarba waxay jeclaato Kolay tahay dhimashadayda Si aan ugu soo dhaweeyo Anaa farxadeeda dhawra Sabaax farxadeeda dhawra Dhaliilaha iga fogeeya Dhaleeco qofkii ila raadsha Dhirbaaxo markaaba saara Si aan hore ugu dhaqaaqo Goolkii u dhaliyo guusha Maxay ugu dhabar adaygtay Sabaax ugu dhabar adaygtay
Queue is empty
-- / --