VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waxaa la is baraa - Lyrics

Qof qudha hadii loo afduuboo Niyada ruux loo hibeeyo Intoo loo xeer furnaado Hadii Ruux la isku dhiibo Nolosha in lagama waayeen Dartii ruux looma ilmeeyo Adkeysana lama ilaawo Qalbigana la iskama daciifsho Waxaa la is baraa dulqaadee Sidaa looma sii nuglaadoo Waxaa la is baraa dulqaadee Sidaa looma sii nuglaadoo 2x Dharaaraha maanta liitaa Ha dhihin waa kuu lu'gooyoo Ha dhihin ladi maysid caawa Naftana ha liciifin goorna Libinta waa loo samraayee Ha noqon ruux laga ducaysto Libinta waa loo samraayee Ha noqon ruux laga ducaysto Dartii ruux looma ilmeeyo Adkeysana lama ilaawo Qalbigana la iskama daciifsho Waxaa la is baraa dulqaadee Sidaa looma sii nuglaadoo Waxaa la is baraa dulqaadee Sidaa looma sii nuglaadoo 2x
Queue is empty
-- / --