Heesta Hami galgacal - Lyrics
hami iyo kalgacal siduu ii hantiyay
haduu adi ku helo kaagamaan hadheeno
hiilbaan ku siin lahaa
hami iyo kalgacal hawraar la dhaho
hal abuur abwaaniyo heesaha macaanbu
hadal ku idil yahay
hogol weeyi caashaqu sida awr hayina
ma isaaray heeryadoo i hogaaminaaya
hubaal caashaqeenuna hidihaiyo dhaqankeen
hilinkii awoowgeen ha ku hoydo caashaqu
halasaha kal gacalkuna habeen iyo dharaar
hurda seexan waayee hareertaada ila qabo
hindisaha iyo guurkana halkii aan ku waday
haduu noo hagaagee wal walkii ha kaa hadho
hodaneey dartaa caashaqii i helay
halbawlaha wadnahabuu holac iga baxaayoo
hurda way iga dheertahay
haasaawe iyo hirwo iyo ciyaar loo gudo habeenkii
hore uma aqoonine caawaan u heelnahay
sida heega roobku igu hoorayoo
soo hor joogsigaagaan ku habaa naftaydee
haraadkiyo oonkii kugu soo horeeyaa
i haleelay maantee hadaan kuu diyaar ahay