VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hami galgacal - Lyrics

hami iyo kalgacal siduu ii hantiyay haduu adi ku helo kaagamaan hadheeno hiilbaan ku siin lahaa hami iyo kalgacal hawraar la dhaho hal abuur abwaaniyo heesaha macaanbu hadal ku idil yahay hogol weeyi caashaqu sida awr hayina ma isaaray heeryadoo i hogaaminaaya hubaal caashaqeenuna hidihaiyo dhaqankeen hilinkii awoowgeen ha ku hoydo caashaqu halasaha kal gacalkuna habeen iyo dharaar hurda seexan waayee hareertaada ila qabo hindisaha iyo guurkana halkii aan ku waday haduu noo hagaagee wal walkii ha kaa hadho hodaneey dartaa caashaqii i helay halbawlaha wadnahabuu holac iga baxaayoo hurda way iga dheertahay haasaawe iyo hirwo iyo ciyaar loo gudo habeenkii hore uma aqoonine caawaan u heelnahay sida heega roobku igu hoorayoo soo hor joogsigaagaan ku habaa naftaydee haraadkiyo oonkii kugu soo horeeyaa i haleelay maantee hadaan kuu diyaar ahay
Queue is empty
-- / --