Heesta Joogdheer - Lyrics
joogaagan dheeriyo
wajigaagan quruxda leh
marka aan jaleecaba
igu curay jacaylkuye
jaahaaga nuurka leh
isoo jiidanaayoo
naftaydaa ku jamatoo
aday kuu jeelantahay
jiradiyo xanuunkiyo
jibadkii kalgacalkaan
ayaan la jiifsan waayee
haa i jabinin nacabkeena
sida jeexya hawdiyo
jiiciyo maraagiyo
dhirtu jamaal qurxoontoo
ubixii ku jaran yahay
ayaad ii cajabisoo
jawharaay naftaydii
kaa jogi waydee
ha iga jarin naruurada
jiradiyo xanuunkiyo
jibadkii kalgacalkaan
ayaan la jiifsan waayee
haa i jabinin nacabkeena