VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Fanax - Lyrics

Dusha timaha guudkee dib u dhaafay adhaxdee dibna hadalka qaadmada Ilka dabar cas kaga yaal dib markaan u fiirsado fanax yaraa damuusiya Idishaye cabaadhyada isla gaadhay dacalada Dagey labada garab iyo waxyaha Dushooda dhandhaqaaqa laafyaha dadyow anigu yaabaye ma dadkii kitaabkiyo diinteenu sheegtiyo degenaa fardowso soo daahiraa Doqontii nasiib leh ee damac kaa galaaba degel waab la saaraa daymadaa jaleecada markii aan ku daawaday indhuhu meel ay diidaan daa'in kuma yeeline daruur yahay adoo kale Nabi yuusuf dabadeed lama keenin dunidee nasiibku haygu kaa daro dhan dhaqaaqa kaafyaha dadyow anigu yaabaye ma dadkii kitaabkiyo diinteenu sheegtiyo degenaa fardowso soo daahiraa Lyrics by : Mohamed Najah
Queue is empty
-- / --