tacliintaan usoo dhoofayey
uga imid dhulkaygii
dhayel ilama ahoo
waan dhiganayaaye
ifka la iigu dheeha
dhiigayga xulayse

warka kama dhargaaye
waxaan diray haldheedha
ma dhamaado wakhtiga
soo dhawaysataaye
ma dheera mudaduye

waxa aan la dhiilasnahaye
la dheeldheelinaya
waxaan ahay dhambaal wade
arintiisi dhacantee
dharaartii qudhaydbaa
sanad iila dhigane

nin la dhawrayaan ahay
asan dhiman ha noolayn

warqadahan is dhaafinaye
la dhacaayey tigidhada
dhanka ay maraayaan
dhaka faar ka qaade
dhexda waxa jooge
dhufsadaa la yaabay
aduunyadan dhibteeda
ani la ila moogyahe

Exit mobile version