VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sharad - Lyrics

Shirka dumar miyaa galay? Horta yaad la showrtaa? Ayaad kala shushubataan? Makuu sheeka-dhaameen? Sheekhaagu waa kuma? Shaydaankaagu kululaa Shidadaadu badanaa Taladaan shakaallaba Shanshada maxaad u goysaa? Sharadkaynu dhiganaba Horta maxaad u sheegtaa? Maxaad maxaad u sheegtaa? Shilba iguma oognee Shaydaan iguma dheehnee Shiddo dooni maayee Salaan sharafle oo wacan Maysku shaafiyaynaa? Shiikhayga caashaqa Ha sheegsheegin adiguye Rooxaantaydan sheekada Haku shaamareerine Shaxdaan degeyba Maad i garan Wayna kaa shishaysaa Libaaxuba ka shiishee Shafka gumaca kaga rida sharad wuxu ku qaadaa Inuu boodda shaaximin Dhakhsa ugu shadheedhnaa Ana waxaan shin-tiriyoon Sharaf kugu hagoogaba Saw-digan shuwaalkiyo Shantii faradka aan gudan Sharadkaynu dhiganaba Horta maxaad u sheegtaa? Maxaad maxaad u sheegtaa? Waxaan kala shubaayaa Sheedda uga baaqaa Talaa iga shareerane Qof shiinkii dhammaadiyo Shalay miyaa lasoo celin? Shiiloo u jeedada Shanta dhabanka-saaroo Ka shintiri ayaamoo Shimbirahana waydii :)) Shaxdaan degeyba Maad i garan Wayna kaa shishaysaa
Queue is empty
-- / --