Heesta Sharad - Lyrics
Shirka dumar miyaa galay
Horta yaad la showrtaa
Ayaad kala shushubataan
Makuu sheeka dhaameen
Sheekhaagu waa kuma x2
Shaydaankaagu kululaa
Shidadaadu badanaa
Taladaan shakaalnaba
Shanshada maxaad u goysaa
Sharadkaynu dhiganaba
Horta maxaad u sheegtaa
Maxaad maxaad u sheegtaa x2
Shilba iguma oognee
Shaydaan iguma dheehnee
Shiddo dooni maayee
Salaan sharafle oo wacan
Maysku shaafiyaynaa x2
Shiikhayga caashaqa
Ha sheeg sheegin adiguye
Rooxaantaydan sheekada
Haku shaamareerine x2
Shaxdaan degeyba Maad garan wayna kaa shishaysaa wayna kaa shisheeyaa x2
Libaaxuba ka shiishee
Shafka gumaca kaga rida
sharad wuxu ku qaadaa
Inuu boodda shaaximin
Dhakhsa ugu shadheedhaa x2
Ana waxaan shin-tiriyoon
Sharaf kugu hagoogaba
Saw-digan shuwaalkiyo
Shantii faralka aan gudan x2
Sharadkaynu dhiganaba
Horta maxaad u sheegtaa
Maxaad maxaad u sheegtaa x2
Waxaan kala shubaayaa
Sheedda uga baaqaa
Talaa iga shareerane
Qof shinkii dhammaadiyo
Shalay miyaa lasoo celin x2
Shiiloo u jeedada
Shanta dhabanka-saaroo
Ka shintiri ayaamoo
Shimbirahana waydii x2
Shaxdaan degeyba maad garan wayna kaa shishaysaa wayna kaa shishaysaa x2