Aloow talo lagu dagiyo
Dareen loo wada dhanyahay
Aloow isku duubnidoo
Bulshada la daryeela iyoo

Danaha guud ay fulaan
Aloow doonyaysanee
Deegaan la tilmaansadoo
Wax qabad lagu dayan kariyo
Jidkii dooroo jidkii dooroo
Jidkii dooroo na mari

Aloow noo doortayoo
Anana waan dooranee
Aloow noo doortayoo
Anana waan dooranee
Adiguna na deeqsii
Dawana uu noo noqdaa

Aloow ku duraansanee
Dawlad hanaqaado iyo
Aloow xukun daacadoo
Hogaan diintu ay u tahay

Aqoontuna dahab u tahay
Hidaha dhaqan dabar u yahay
Nab doonidu dayr u tahay
Dalkuna ku badhaadho iyo
Dadkuna hore ugu
Dadkuna hore ugu
Dadkuna hore ugu maraan

Aloow noo doortayoo
Anana waan dooranee
Aloow noo doortayoo
Anana waan dooranee
Adiguna na deeqsii
Dawana uu noo noqdaa

Exit mobile version