Halistuu abaaroo
Ililica dareenkiyo
Ku eekaa intii nugaal
Jacayl ii arimiyayoo
Edegbaan u galayee

Amar alee uurkaad ku taala
Amar alee
Amar alee ooridaydii noqotee
Amar alee
Amar alee ubad aayatiin lihiyo
Amar alee ubad aayatiin lihiyo
Amar alee ugbaadkoodu raagaaye

Aamin waxaynu joognaa
Runta lagu arooraa
Ruuxii ku aamina
Abaal loo galaayoo
Aqal lagula hooyaa

Amar alee uurkaad ku taala
Amar alee
Amar alee ooridaydii noqotee
Amar alee
Amar alee ubad aayatiin lihiyo
Amar alee ubad aayatiin lihiyo
Amar alee ugbaadkoodu raagaaye

Exit mobile version