Ilayn sabanku yaab lahee
Anigoo sir iyo caad
Inta aan u sahan tagay
Saadaaliin caashaqa

Inanyahay siraadiyo
Sida sagal daruureed
Ama subax la moodaa
Saacadaan ku halacsaday
Dareenbaa i saaqoo
Jacayl baan la sara kacay
Jacayl baan la sara kacay

Suqraaday adna samo ku noolow
Ana waan ku sugayaa
Ha suldaarin caashaqa

Quruxdaada siman iyo
Suniyaha is haystiyi
Indhaagan sagalkaa
Sawracaaga aragtidaada

Ilkaha sadarka lagu dhigay
Sanqaroorka kugu yaal
Timo sabarka dhaafee
San fardood la modyiyo
Hiliqsiga talaabada
Suuradaadu yaab lahee
Suuradaadu yaab lahee

Suqraaday adna samo ku noolow
Ana waan ku sugayaa
Ha suldaarin caashaqa

Exit mobile version