jeexaygii midig iyo
nafta jawradeedaay
jaahaaga nuurka leh
markii aan jaleecaba
jidhku waa cajaa'ibe

naftu jidhidhicootee
jalanqadii haweenkaay
ayaan jiidhin caashaqu
sidiisa aan u jiranee

caashaqeenu inuu jiro
JALIILkeen aan barinee
ku jecliye maxaa tidhi

ha jiro ha joogee
abid yuu janjeedhsamin
adna ugu jabee

shar ka jaba khayr u jaba
shaydaan ka jaba
caashaqana waa u jaba
jacaylkana waa u jaba

jalka kaan u daayee
jiif iiga dhaartow
jacaylkeenan laba jiray
jiidh yeelay maantoo
jaran jaradii dhaafnee

mar hadaan is jecelnahay
isku jeelanahayoo
laba la iska jeemiyo
jiidhiyo walaal nahay

Exit mobile version