VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl - Lyrics

Jacayl calafbaan u nacay Jidkiyo cidladuu i dhigay Jabkiyo caynaduu i baday Jawaab culusbay ahayd Jacayl calafbaan u nacay Jidkiyo cidladuu i dhigay Jabkiyo caynaduu i baday Jawaab culusbay ahayd Jibiyo ceeryaamadii Jawigii caraftaa lahaa Jihada aadan cid garan Jirbaa kali igu curtoo Jibaad iyo ciil ma lado Jibiyo ceeryaamadii Jawigii caraftaa lahaa Jihada aadan cid garan Jirbaa kali igu curtoo Jibaad iyo ciil ma lado Jaaraan waqtigan cakiran Jalaaftiyo casharadii Jarkaan caawaba ka dhacay Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo Jaaraan waqtigan cakiran Jalaaftiyo casharadii Jarkaan caawaba ka dhacay Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo Jidaystay inuu cidnaba Jamaadeey caawinayn Jiraduu cilmi soo bariyo Intuu jabiyaan ogaa Jidaystay inuu cidnaba Jamaadeey caawinayn Jiraduu cilmi soo bariyo Intuu jabiyaan ogaa Jeedaalada xiiso raagay Janqada labadii is jeclaa Jeexiyo wehelkii is rabay Jeel iyo oon ugu dariyo Jid goo noloshii maqnayd Jeedaalada xiiso raagay Janqada labadii is jeclaa Jeexiyo wehelkii is rabay Jeel iyo oon ugu dariyo Jid goo noloshii maqnayd Jaaraan waqtigan cakiran Jalaaftiyo casharadii Jarkaan caawaba ka dhacay Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo Jaaraan waqtigan cakiran Jalaaftiyo casharadii Jarkaan caawaba ka dhacay Jiniyo jiniyo insuguba cadhoo
Queue is empty
-- / --