VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wadada burco Iyo ceerigaabo - Lyrics

Mudduu dalku kala xirnaa Mariyo xiisiyo sanaag Runtii laga maagayoo Dadkuba uu tacab mutee Haddii mowlaa ilaah Muddaba arrinkii furfurayoo Madkiyo noolka ufura oo Maalkiyo xoolaha ugu deeq Waddadu waa muraaydii Muftaaxiyo horumarkii Macnaa dawladnimo siddee Mashquurcii dhaqaaqyee fulii Mudduu dalku kala xirnaa Macdanta ku duuganiyo Sidii loo masruufi lahaa Runtii laga maaganyahoo Haddii maskax lagu cabbiro Garàadku moodee yiri Maansha allaah waa u farxade Muruqa ku gargaar walaal Waddadu waa muraaydii Muftaaxiyo horumarkii Macnaa dawladnimo siddee Mashruucii dhaqaaqyee fulii Mudduu dalka kala xirnaa Bilicsiyo daawashiyo Dalxiisaalka umacaan Daaliyo meeshii qurxoon Murtidu ku dabaal degtiyo Maqaan sare baan rabee Haddii marinkii aflaxay Muruqa ku gargaar walaal Waddadu waa muraaydii Muftaaxiyo horumarkii Macnaa dawladnimo siddee Mashruucii dhaqaaqye fulii Mudduu dalku kala xirnaa Macdanta khayraadka yaal Marsada xiisiyo sanaag Jidkii loo mari lahaa Ciddii maareeyn laheeyd Bulshadu ku mashquulaysee Mujaahid hadduu horkacay Markale taageer walaal Waddadu waa muraaydii Muftaaxiyo horumarkii Macnaa dawladnimo siddee Mashruucii dhaqaaqyee fulii
Queue is empty
-- / --