VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Caashaqa ma baran wali mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdulaali Xarago
Caashaqa ma baran wali

Caashaqa ma baran wali
mana beeninaayee
kuu bogaye inanyahow
sidii meel bugtiyo gacan
lagu kala bariiyaa
sida ruuxa beer nugul
jaceyl ugu badheedha
baraadli u seexdaa
haduu yahey bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen hadraawibaa
beerlula ma sheegeen

Xarago

Ninkii baacin jireybaa
deymo loogu baaqaa
lama baajiyee calaf
kuu bogaadey inanyahey
sidii bureeqaan
bar barkaaga taagnaa
biyaha ii dhureysaan
abaalkeeda buuxshaa
xiisuhu ma ba’ayee
hadaad bixi adoon bogan
jaceyl be nabadee
makusii balamiyaa

Kinsi Xaji Adan

Caashaqu balo iyo kheyr
midkuu doono hay bado
kuu bogey inanyahow
sidee bilis xishootaa
runta uga badheedhaa
sida ruuxa beer nugul
baahi dhab u noqota
jaceyl ugu barisaa
haduu yahey bar kuma taal
abwaan uma balweeyeen
ma boqreen hadraawibaa
beerlula ma sheegeen

Xarago

Dhulkoo meel barwaaqa ah
oon laheyn bad iyo wabi
dhirtu ay ku badan tahey
beryo laydhsi loo tago
buurta gacan libaax
ku yaal beydka raaxada
makusoo baraayoo
bariba ma isu raacnaa
xiisuhu ma ba’ayee
hadaad bixi adoon bogan
jaceyl be nabadee
makusii balamiyaa

codkii Cabdulaali Xarago, Kinsi Haji Aden