duco aan yarayn iyo amaan qiimo waynbaa
aduunyada dhamaanteed waxa axad ku nool
aan u quudhi waayaa hooyo adi mudantay

maaliniyo alaylkii inaan seexan waayoo
dantaydana ka weecdoo farxadaada raadsho
umo adigaa istaahila

inaan dhaafo qayrkay oo aan la loolamo
kuwa dayaxa sare tagay mama adigaa u sasabee

ifka caafimaad ku joog aakhirana ahaw
kuwa INSHA ALLAH ahaw SUUBANAH xushee
janada aqal looga dhisee

inkastoon abaalkaa marna aaanan gudi karin
horaadkaad i siisiyo adhaxdaadi i saartaad
korsiimadaadii hooyo maan ilaawine

waqtigaa i xidhxidhayee hadaan waayo sii jiro
oo aan joogo koonkana adaan baari kuu noqon
si aan khayr u helo badan

Exit mobile version