Heesta London - Lyrics
waxad dumar dhalaalee
dheehoodu wacanyahay
islii dhex joogee
adiga oo dal dheer jira
dhugan waayay aawadaa
nafta dhaymaheediyo
waxaad tahay dhigaygoo
dhuuxa iyo lafaha iyo
dhiigaad ku saaqdoo
dhaayahaad u roontay
waxaan ku dhafray facebook
taleefoon is dhaafsanay
dhaxalkeedii gaadhnee
london ka soo dhoof
waxa dhudi qurxooneey
loo dhameeyay edebkee
nayroobi ku dhex nool
dharaartaan ku caashaqay
ayaan kala dhaqaaqnay
haniyeey dheg iyo qurux
RABI kuu dhameeyoo
waxaad tahay dhamays dumar
kuma dhaafi karayee
adaan kaa dhur sugayaa