VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Basra - Lyrics

Hobeeyaa hiddiidii hobeeyaa 3x Dumar badankood Baa caddaadheh Oo bidhaaniyo Bilic hubsaday Hiddii hoobeey hoobeey hiddii hoobeeey Wallee boholyoow Baryo qabi jiray Baad bogsiisoo Booga dhaya iyo Ruux baxnaana leh Basraay ii tahay Hoobeey hiddii hoobeey Taan boqradayee Ku baraaray Inaan bara iyo Bedka keenaan Ubaxdoobaye Baryo ii samir Hoobeeey Bilaad quruxbaad Bilis dheertahoo Baalka dahabkiyo Buugga taariikhdaa Basraay kuu qoray Hiddii hoobeey Hoobeey hiddii hoobeey Bu'da araggiyo Basarkaygaa Ku basaasoo Qalbigaa bilan Baaxad weyniyo Boos ku leedahay Hoobeey hoobeey hiddii hoobeey Taan boqradayee Ku baraaray Inaan bara iyo Bedka keenaan Ubaxdoobaye Baryo ii samir
Queue is empty
-- / --