waxdhintaad ka samirtaa
rajo waa ladhawraa
wixii dhumayna doondoon
yaad isdhiiri galisaa
dhabay ceel tagay baan
geel ku dheelmiyaayoo
dhalandhool haraadbaa
nafta dhaganayaayoo
dhici wayday sidaan rabay
dhaawaciina hilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkaan
dheeldheelsanaayee

dhagax dhuunta kama dago
dhaayahaad ka garataa
dhulka meesha dooga leh
carabkuna dhadhamashada
ana dhawaawal baan ahoo
dhibtu way iga badantahaoo
dhididkiyo kulaylbaa
dusha iiga da ayeee
dhici wayday sidaan rabay
dhawiciina dilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkii
dheeldheelsanaayee

Exit mobile version