VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Siraad - Lyrics

Ma og tahay Siraadey Caashaqii na siray ee Sahalka aynu moodnee Ina saaqay gebigeen Inuu soo kordhaayoo Siigiyo dabayl iyo Soo kiciyay cayryaan Oon xalay saqdii dhexe Hurdadii ka salaloon Soo toosay dhowr jeer Safaad male jacaylkuye Waan sidaaye ila qabo Soo dhawoo ila qabo Oo haygu sii dayn —————————— Ma ogtahay Siraadey Saddex saniyo dheeraad Intaa waan ku sugayoo Nafta waan sasabayee Berri bay si uun noqon Saadambay wax kula qaban Saadaasha geliyee Sidaan fili jacaylkuna Adi kuma sal gaarinoo Waabad sahashanaysaa Safaad male jacaylkuye Waan sidaaye ila qabo Soo dhawoo ila qabo Oo haygu sii dayn ————————— Ma ogtahay Siraadeey Soomaliyoo idil Uma sidatid quruxdee Hablo kula sinmaa jira Oonan saa u eegine Waa su’aale kalidaa Maxaan kaaga sahansaday Sababtuna waxay tahay Sambabadiyo beerkiyo Wadnahaygad suran tahay Safaad male jacaylkuye Waan sidaaye ila qabo Soo dhawoo ila qabo Oo haygu sii dayn
Queue is empty
-- / --