hargaysaay hawadaada
hadhkiyo udugaada
naftii heli weydaa
haraad kama doogtee
2x

inaan hirka gaadho
haleelo kulaalo
habeeno ka heeso
ayay iaga haysaa
2x

hiba eebe bixyaa
lagu kala horeeyaa
waan hubaa hargaysaay
inaa tahay halbawlaha
hal abuuri magac lihi
halkii halkiii
halkii ay ku loolyeen
2x

hoygii fankeeniyo
hiddo dhowra maaha
soorseerkii dunidiyo
halyay koriya may noqon
2x

halkay nabad taalo
noqo haybi guusha
hal abuurka dhulkeena
adaa u horeeya
2x

hiba eebe bixyaa
lagu kala horeeyaa
waan hubaa hargaysaay
inaa tahay halbawlaha
hal abuuri magac lihi
halkii halkiii
halkii ay ku loolyeen
2x

Exit mobile version