ka wayn jismigaygu
waxa jeebad galaaya
oo layma jujuubo
jiadu ima qaado

jikaarkiyo buuqa
jawiga maba laaqo
jileeca mayeelo
laygama jiidho

jacalka dhexdeena
jawiga labadeena
jaanska kulankeena
jimacaha kama baajo

ajalafiyo xaasid
marnaba uma joojo
oo inaan jiri doono
su aal kama joogto

anoo ujarmaaaday
jidkii guushayda
xasidka uma joojo
jawaab uma quudho

jacalka dhexdeena
jawiga labadeena
jaanska kulankeena
jimacaha kama baajo

Exit mobile version