Heesta Jacaylku maxuu igubay - Lyrics
Jacaylka maxuu igubay Igubayee
Maxoo geed dheer isuray isurayee
maxoo goori iyo ayaan
Sidii goob iyo abeeso
Guntaha igu sii fidayaa
Waxu gayi lama dago
Cidlaa igu guuud furoo
Cabsi igu sii gilgilay
Maxoo gaajo iyo haraad
naftayda ugaystayoo
Jirkayga maxuu isguray
Maxaan gacalooy dartaa
Gasiinka laquutiyo
Awgaa hurdadii ka go'ay
Jacaylku maxuu igalay igalayee
Maxuu garba duub ii xiray ixarayee
Maxuu guldaro iyo ciil
Intaa ii gaystayoo
Weliba gaar iga hayaa
Maxuu anigoo gaf oran
Gardaro igu maagayoo
Meel xun ila tagay
Maxuu gudlayda iyo
Gabadhaha soomaalliyeed
Adiga farta iigu goday
Maxaan gacalooy dartaa
Gasiinka laquutiyo
Awgaa hurdadii ka go'ay