wanaag baan kuu hayaa
jacaylbaan kula wadaa

wax saara anigoon laheeyn
wariyo sheekada dadkaa
waswaas lagu beerayee

lammaanihii siweheshada
qaarbaa weetaynayooo
ineey sii kala waddaan
waxyeello ladoonayee

amaal wadnahaygiyeey
boga iyo waaxyaha jirkaay
waanwaantaan kugu iraa
adoo waayahay leh baad
waddadii iga weecisaa
wadiiqaad ila martaaa

wareer baad igu batoo
walaacay markaad itiri
wariyo sheekaba anoo
gudan waajibkaa
walii loow kaama mudan

walwaaliyo ceel wardheer
anoo ka waraabiyaa
wadaadtii daloolisaa
hoosbaad iga weerartaa

amaal wadnahaygiyeey
boga iyo waaxyaha jirkaay
waanwaantaan kugu iraa
adoo waayahay leh baad
waddadii iga weecisaa
wadiiqaad ila martaaa.

Exit mobile version