Heesta Dajiya - Lyrics
Damiirsan maanka daartaay
Dabuubsan lagu dagaay
Danteena adaa u duuban
Dulqaadna laguugu deeqay
Damiirsan maanka daartaay
Dabuubsan lagu dagaay
Danteena adaa u duuban
Dulqaadna laguugu deeqay
Dajiya dajiya dajiya nafta daawadeeday
Dabiibaay ila dadaashaay
Duruuftana igala dirirtaay
Duruuftana igala dirirtaay
Dajiya dajiya dajiya nafta daawadeeday
Dabiibaay ila dadaashaay
Duruuftana igala dirirtaay
Duruuftana igala dirirtaay
Dartaa hablahaan u daayay
Damaca i hayana dawooy
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Dartaa hablahaan u daayay
Damaca i hayana dawooy
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Dabacsan laabta deeqday
Ducaysan lagu daydaay
Dareenkaa adi ku daydaya
Da'daaduuna kaa dalbaday
Dabacsan laabta deeqday
Ducaysan lagu daydaay
Dareenkaa adi ku daydaya
Da'daaduuna kaa dalbaday
Diirshaay diirshaay diirshaay nafta daawadeedaay
Daryeelaay i doojisaay
Dabayshana iga doojisaan
Dabayshana iga dusiisaay
Diirshaay diirshaay diirshaay nafta daawadeedaay
Daryeelaay i doojisaay
Dabayshana iga doojisaan
Dabayshana iga dusiisaay
Dartaa hablahaan u daayay
Damaca i hayana dawooy
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Dartaa hablahaan u daayay
Damaca i hayana dawooy
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay
Ku doonay aduu ku doorbiday
Dookhuna adiguu ku doortay