Heesta Dalxiis - Lyrics
Dooqaygi taan doortayee
Dumar kala baxaay
Kaan doonayee
Mudo badan dartiisa
U duloobayoo
Dar alle adaa
Dajiyoo qalbigaaa
Dawo u noqdee
Dar alle dar alle adaa
Dareenka iyo jirkaba
Dirsho unoqdee
Aanu dadab galnoo
Dalkii aanu lahayn
Diqil iyo cartiyo
Diribdhab iyo Xamar
Dalxiis u baxnee
Dalamr ina keen
Aanu dadab galnoo
Dalkii aanu lahayn
Diinsor iyo camuud
Daamo iyo barbara
Hargaysa dagnee
Deeqa ina keen
Taan udaalayee
Dibada iyo dalkaba
Dibjir ugu noqdee
Kaan ku doogsadoo
Daadihii naftoo
Marnaba ha udarnaan
Dar alle adaa
Daganoo wadanaha
Kugu daabacee
Dar alle adaa
Ragga doorka jira
Daacad kuu noqdee
Aanu dadab galnoo
Dalkii aanu lahayn
Dooxa iyo qardho
Daalo iyo nugaal
Dalxiis u baxnee
Dalamr ina keen
Aanu dadab galnoo
Dalkii aanu lahayn
Dowlo iyo Wardheer
Raas iyo durdure
Dalxiis aan ubaxnee
Deeqa ina keen