Sida dul dheeroo oo ay
daruurtoo da doo ku hoortoo
bixiniyo cawskoo
dagaankii tixsiiloo
maankiyo dureebado
duunyadu ku naaxdoo

anna kolkaan deeqaay
arkayon deymoodayee
dabeyshi jaceylkiyo
cishqi baan dareemee

sida deyniiloo
daaraha lagu nastiyo
deegan qurxoono
loo so dalxiis tago
doogiyo cagaarkuna
daymada cajabisee
ey damceyso laabtuna

anna kolkan daahir
arkayon daymoodaye
dabeyshii jacelkiyo
cishqi baan dareemee

sida dirca geel iyo
diriyo wabxood iyo
dusha gal hareeriyo
daaqaaya ceelbuur
intu deyrti dhalayo
dambar laga maaloo
dadku u han weynyahay

anna kolkaan
deeqaay arkayon daymoodayee
dabeyshii jaceylkiyo
cishqi baan dareeme

sida mil dooxiyo
dhulka dihintaa
dudihi shabeeliyo
dagmadi afgooyee
dariiqyada abuurkoo
diihaalka bi’iyo
dacadarada daweeyaa

anna kolkan daahir
arkayon daymoodaye
dabeyshi jaceylkiyo
cishqi baan dareemee

Lyrics by Moha wali

Exit mobile version