dhiigiyo jacaylkii
ee xididada dhamaystira
afka lagama dhawree

ma ogtahay dhigayoow
markaan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo

hadii aad dhiboontay
anba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankaagee
dhinaacaga ila qabo

walow dhaylo aad tahay
ee hadana la dhaqankiyo
dhunkashada ku wacantay

dharaar aragti ma ogtay
caasahaqan wax dheeree
dhado roob la moodiyo
dhalanteed inuu yahay

jacaylkii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta inuu dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

imika dhudhumiyo
miyaan soo dhawaadaa

awalba igama dheerayn

dhabta miyaan ku saaraa

dhibkaan kula nacayaa

hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhalad waan ka fududee

dhugmadiisu ruuxay
ee iiigu dhantahay
ayuu dhibayaa xishoodkuye

ma ogtahay dharaarahan
rabitaanka awgaa
dhabayaasha suuqa
dhar la'aan inaan maro

cosob meel ku yaaliyo
ee dhex qotoma xareediyo
dhabi baxay la moodayeey

ma ogtahay dhakhsiimuhu
caqli lacag dhalaayaa
duni iguma dhiciyee
dahabaan ka dhuran laa

Exit mobile version