Dalamr :
Habalaha dhamaantood
Tii aan udhaafaa
F. Kabayare:
Dhaayaha iyo aragaa
Dhab kuu jeclaadoo
Dalmar:
Dhulka meel ??
Dhirta ay kuubadantahoo
Indhuhu ku dheelo
Qalbiga ugu dhigantee
F. Kabayare:
Sida dhibic roobiye
Daruur soo hilaacdee
Dhabaaqaaga hadalkuba
Wadnuhuu ku dhacayaa
Dalamr yare:
Luquntaada dheeriyo
Dibnahaaga dhiinkaa
Markii aan dhun-kadaa bay
Xaadu idhaqaaqdaa
F. kabayare:
Dhaayihii nafteedoo
Markaad dhoola cadeesoo
Dhabanka ii salaaxdaad
Xaadu idhaqaaqdaa.
Dalmar:
Dhuuxa iyo lafaha iyo
Dhiigaad ku saaqdoo
F. Kabayare:
Dhami waxyahaygiyo
Qalbigad dhayeesaa
Dalmar:
Jacayl Dhab weeyoo
Dheel dheel ma'ahan
Dhuuniga la cunaayay
Dheef waan ka quustee
F.Kabayare:
Caashaqa dhankeegu
Wuu ku dheeryahay
Dharaatii ma naaxee
Adigun ha'iga dheeraan
Dalamr yare:
Luquntaada dheeriyo
Dibnahaaga dhiinkaa
Markii aan dhun-kadaabay
Xaadu i dhaqaaqdaa
F. kabayare:
Dhaayihii nafteedoo
Markii aad dhoola cadeesood
Dhabanka ii salaaxday
Xaadu idhaqaaqdaa.